القائمة الرئيسية

الصفحات

BOOLIISKA PUNTLAND OO GAALKACYO KU QABTAY GAARI SIDAY


Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay xalay hawlgal ku qabteen gaari sida maandooriyaha Khamriga.

Booliiska ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay Gaari siday 20 Kartoon oo Khamri ah sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug.

Ciidamada iyo kooxdii watay khamrigaas ayaa la sheegay in ay dhexmartay is-rasaasayn kooban oo aan wax khasaare ah ka dhalan.

Booliisku waxay sheegeen in Khamriga la doonayay in si dhuumaalaysi ah lagu soo geliyo magaalada si looga ganacsado.