Mugdisho, Febraayo 19, 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixayWasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
lyada oo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7 -dlii August 2021 taas oo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka iyo go'aankii Golaha Wasiirada ee lagu caddeeyay in heshiis kasta uu soo maro Golaha Wasiirada, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay masiirka Batroolka.
Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay'adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa'iideysto si aan u adeegaynin danta guud,
qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.
Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay'adaha dowladdu ay kafogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay'adaheeda.