Dadka lafa guro dhaqanka Soomaalida ayaa sheega in Neyruuska Soomaaliya uu yahay Dabshidka iyo Istunka, hase yeeshee ay ku kala duwanyihiin waqtiga ay umadaha kale ee caalamka sida Iraniyiintu iyo Turkida sameeyaan oo ah bisha March halka Soomaalidana ay xusaan bisha July .
marka Neyruus ku wuxuu ka jiraa meelo ka tirsan Somalia isaga oo wata magacyo kale balse la mid ah ama aad u shabaha caada dhaqameedyadaasi caalamiga ah ayuu ka jiraa koonfurta iyo bartamaha Somalia waxaana la yiraahdaa Dabshid ama Istunka ama Badgalka.
XIRIIRKA KA DHAXEEYA NEYRUUS IYO DABSHIDKA
Dabshidka ama Istunka taariikhyahanada Soomaalida waxay sheegaan inuu soo jiray qarniyo badan ka hor inta aysan Diinta Islaamka soo gaarin Soomaalia. Dabshidka waxa uu ahaa sanadka rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed ama Kalandarka Soomaalida ka hor inta aanay Soomaalida bilaabin adeegsiga taariikhda Miilaadiga ama taariikhda Hijriga ee Islaamka.
Gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa ah halka sida aadka ah looga dabaal dago caada dhaqameedka dabshidka haba ugu sii darnaato magaalooyinka iyo deegaanada labada Wabi ee Juba iyo Shabelle iyo kuwa xeebta Badweynta Hindiya.
Dabshidka ama Istunka iyo Badgalka sanad walbaa waxa uu dhacaa bisha July, deegaanada iyo tuulooyinka ay dagaan dadka beeraleyda ah ayaa mararka qaar waxay ku aadiyaan bilaha July iyo August markaas oo ay ku beegantahay xilliyada ay soo go,aan dalagyada beeraha ama Baddhacdu isu diyaarinaayaan Inay Galaan Badda
ASAL AHNAAN NAYRUUSKA
Nawruz (Naw-ruz) dhaqanka faaris waa maalinta uu bilaabmo taariikh sanadeedka gaar u ah faarisiyiinta, waana bilowga bisha Frawadin ee tirsigaas; wuxuu ku beegan yahay qiyaastii 21(22) bisha march ee tirsiimada Gregorian(roomaanka), waxaanu u qaybsamaa laba qaybood oo ku salaysan xilli roobeedka. Bilowga Jiilaalka oo la yidhaahdo MIHRIGAN oo ku beegan 21 july macnihiisu yahay “dhulkii dabka” iyo bilowga gu’ga oo la yidhaahdo NAWRUS isla markaana ah ‘bilowga sannadka’.
Erayga Mihrigan wuxuu noqday carabi (مهرجان ) oo loola jeedo dabbaaldeg, waxa uu asalkiisu kasoo jeedaa afka faarisiga.
SOOMAALIDA IYO CIIDDA NAYRUUS/DABSHID:Waxa kale oo ay soomaalidu u taqaanaa Ciidda dabshidka ama dab-tuurka, sidaynu hore u tibaaxnay waa mid ka jirtay dhulalka ilbaxnimadii faarisiyiinta,waxaanay tusaale nool u noqon kartaa xidhiidhkii kala dhaxeeyay soomaalida oo ay ugu wayntay midkii ganacsi.
balse waxa jiray kala duwanaansho u dhaxeeya qaab dhigista ciidda Nayruus ee labada dhinac. faarisiyiintu waxay ciidda dhigan jireen bilowga sannadka qorraxda iyo kala qaybinta xilliyada roobka, dhulkana baadka iyo biyuhu wadhan yihiin, waxay qabsan jireen iyagoo eeganaya tirsigeeda gaarka u ah, waxaanay ku beegantay bilowga bisha April ,halka ay soomaalidu dhigtaan bisha julaay waxana qabsan jiray dadka reer miyiga ah sida beeralayda ah iyo kuwa xoolo dhaqatada ahba iy o dadka xeebaha qaar degen.
Qaababka isu dhaw ee faarisiyiinta iyo Soomaalida :
Inkastoo aanay isku xilli ku beegnayn labada dabbaaldeg,dhanka soomaalidana u badnaa xilliyada habeenka ah, hadana waxay labada dhacdo ku beegan yihiin bilowga sannad ee labada carri .
Habeenkan waxa dhulka soomaalida guryaha kambalkooda laga shidi jiray dab holcaya; kadibna waxa ka dulboodi jiray xubnaha qoysaska oo dhan, gaar ahaan dhalinyartu waxay dabka ka boodi jireen inta da’diisu tahay oo jeer, iyadoo dhallaanka qoyskana uu qof xoog ahi kala dulboodi jiray dabka, iyagoo Soomaalidu aaminsanaayeen in ‘shuushka’ shaydaanka iyo dhibkiisa ay kaga nabadgalayaaan, siday aaminsaayeen oo kale faarisyiintu waxana la gawrici jiray xoolo badan.
Waxana intaas u dheeraa faarisiyiinta dabbaal degga oo soconaya muddo maalmo ah iyo cuntooyin aad u kala duwan oo si wacan loo sameeyo iyadoo dhammaan dariiqyada iyo suuqyada laga ciyaaro qoob-kaciyaar .
dhammaan dadka deegaanadaasi waxa kamuuqata wajiydooda farxad habeenkaas iyo maalmaha ciidani usocoto, ciidan nayruusku waa mid ilaa hada laga tix-galiyo deegaanadii reer faaris ( iiraan,afgaanistaan,adrabiijaan iyo turkiga).
Deegaanada soomaalida iyo dabshidka :
Badanka deegaanada soomaalida (u badan miyiga) way ku baahsanayd ciiddani,balse waxa ugu xoog badnaa deegaanada xeebaha ku teedsan
Ciyaaraha dabshidka/nayruuska sida gaarka ah loogu xuso waxa kamida sida :
Istunka, Shirribka, Maanyo-galka iyo qaarkale.
Balse tixgalinta ciiddani waa mid sii dabar go’aysa, oo ay liiqantay kaalintey bulshada ku lahayd waana la iska illoobay bilowga qarnigan 21-aad kadib markay diinta Islaamku si weyn ugu dhaqan gashay deegaanada Soomalida.
Waxay ahayd ciiddani mid ay cafis iyo calool samaan la isku waydaarsato la iskuna rajeeyo in dab-shidka danbe qofku nabad ku gaadho.
waxana dhaqankaas muujinaysa heesta NAYRUUS ee uu allifay abwaan Cabdulqadir Cali Cigaal oo ay si talantaalliya ah u wada qaadaan Fanaaniintii xaliimo khaliif Magool iyo Maxamed Saleebaan Tubeec (alle how naxariisto labadaba) ee tidhaa:
Nayruusku waaa ciid, waa nagi aduunyadu,
waa naar kalgacalkuye naruurooy/naftaydoow.
waa naar kalkacalkuyo nasteexooy/ naftaydoow.
Sooyaalka iyo xiriirka facaweyn ee soomaalidu la lahayd ilbaxnimooyinkii dunida waxaaa warbixnno intaas ka badan laga heli lahaa iyadoo la sameeyo Baadhitaano degel baadhiseed oo qoto dheer.
Warbixin Muuqaal ah oo Ogaansho ay ka diyaarisay Xiriirka Nayruuska iyo Dabshidka
QAABKA LOOGU DABAALDAGO DABSHIDKA
Dadka iyo qabiilada kala duwan ee daga koonfurta iyo bartamha Soomaaliya waa ay ku kala duwanyihiin caada dhaqameedkaan. Tusaale ahaan Magaalada Muqdşsho Maalinta Dabshidka waxaa jiro laba ciyaarood oo waayen, midi waa Badgalka oo dadka ayaa gala bada iyaga oo gowraca xoolo si ay u xusaan sanadka cusub uguna duceystaan in sanadka cusub uu u noqdo mid wanaagsan oo nabad ah.
Waxa kale oo magaalada lagu soo bandhigaa ciyaaro hido iyo dhaqan sida shiribka reer Banaadiriga, iyo shiribka barbaarta gaashaaman iyo ciyaaraha kale .
Waxaa kale oo jira ciyaaro dhaqameedyo kala duwan oo ay dadka tuntaan ama ciyaaraan oo ku saabsan maalmahan.
Guri walba hortiisa ayaa waxaa lagu shidaa dab, dhamaan xubnaha qoyska ayaa mid mid uga booda iyaga oo aaminsan in ka boodista dabka micnaheedu yahay in aad gadaal marisay sanadki tagay kuuna bilowday sanad cusub oo la socda da,da aad jirto.
Sida ay odayaashu sheegaan, waxaa kale oo lagu cabiraa dab shidka qof walba sanadka uu jiro, iyada oo ay dadku isugu hambalyeeyaan cimrigooda.
Deegaanada uu maro wabiga Jubba ayaa dadku xiliga Dabshidka isugu soo baxaan waxaana ay sameeyaan xaflado iyo munaasabado. Dhalinyarada ayaa ciyaara shiribka, qaar tartamo ayey sameystaan halka culimadana ay aqriyaan qur,aan iyo xadro.
ISTUNKA
Istunka waxa uu caan ka yahay magaalada Afgooye oo ku taala duleedka koonfureed magaalada Muqdisho. Istunka oo lagu tilmaamo qeyb ka mid ah Dabshidka isaga ayaa ugu caansan uguna xiisa badan.
Dhalinyaro ka kala mataleysa dadka daga daanta Galbeed ee Wabiga iyo daanka Bari ee magaalada ayaa iyaga oo ah laba saf oo iska soo horjeeda isa soo hor istaaga kadibna isku bilaabo ulal.
Ulaha ay isu adeegsadaan ma ahan kuwo waaweyn hase yeeshee waa xanuun sida ay sheegeen dad ka qeybgalay. Intalagu guda jiro munaasabada Istunka dadku waxay isku eryadaan dariiqyada iyo xaafadaha magaalada iyaga oo istumaya..
Waxaa kale oo jira ciyaaro hidaha iyo dhaqanka ah oo bar bar socda Istunka Afgooye.
Taariikh ahaan waxaa la sheegaa inuu aad u hormaray waqtigi boqortooyadi Ajuuraan ee Koonfurta Soomaaliya, waxaase uu aad usoo shaac baxay waayadii uu Afgooye ka talin jiray Suldaankii Geledi qarnigi 19-aad ee Miilaadiga.
Istunka lagama sameyn Afgooye iyo hareeraheeda tan iyo marki ay soo xoogaysteen ururada islaamiga ah sida xarakada Al Shabab , sidaasi si la mid ah caada dhaqameedyada kale sida Dabshidka iyo Badgalka ayaa aad ugu yaraa meelihi ay ka talin jireen Al Shabab ee koonfurta iyo bartamaha Somalia, sababoo ah Shabab ayaa mamnuucay iyaga oo ku tilmaamay kuwo lidi ku ah Diinta Islaamka.
Xog dheeraad ah oo Ku saabsan Dabshidka
Dabshidku waa habeenka ugu horreeya ee bilawga sannad dhaqmeedka Soomaalida. Sidaas oo kale waxaa loo yaqaannaa NAYRUUS KA; ama KALA GUURKA, isaga oo mar walba dhaca mid kamid ah afarta habeen ee ugu horraysa bisha Ogoosto. Taariikhyahanno badan oo isugu jira Soomaali iyo ajanabi intaba, waxa ay rumaysanyihiiin in uu dib ugu noqonayo markii ay Beershiyaanku qabsadeen Saylac (Zeila), markaas oo ahayd 4 Ogos, kun sanadood ka hor.
Dabshidku waa dhacdada labaad ee ugu muhiimsan cilmiga xiddigiska, marka laga yimaaddo TA’WIIL ka oo isagu ku jira kaalinta koowaad, iyaga ayaana laga soo dheegtaa saadaalaha xiddigiska.
Ma aha oo kaliya in Dab-shidka ama Nayruusku yahay sanadka cusub ee Soomaalidu tirsato, laakin sidoo kale waxa uu saldhig u yahay tirsiimooyinka iyo talagallada sanadka oo dhan (Sida; la socoshada taariikhda, xili-roobeedyada, isbaddallada goobaha qorraxdu marto, dayaxa iyo dabaylaha iyo sidaas oo kale xilliyada xooluhu dhalaan, dhammaan waxaa laga tirsadaa Dabshidka).
Habeenka Dabshidku waa mid kamid ah saddexda tilmaamood ee ugu waawayn saadaal dhaqameedka cimilada ee Soomaalida. Mar haddii qofka dhaqanyaqaanka ahi uu si buuxda u saadaalin karo, waxa uu ku saleeyaa talagalladiisa sannadka oo dhan. Saddexdu waxa ay kala yihiin sidan:
Dabshidka, oo isagu mar walba dhaca dhammaadka kalka loo yaqaanno SAMALOHO (Eray-bixinta Burco ilaa Jigjiga laga adeegsado), oo ah xilli-roobaadka XAGAAYO ee roobabka waawayni ka da’aan Banaadir iyo dhul xeebeedka Waamo ee u dhaw deegaanka Kismaayo, waana xilli-roobaadka KARAN-ta marka la joogo deegaanada u dhaw Jigjiga, ama xilliga daruuraha badan asee qallalan ee CADAR oo ah xagaaga deegaannada Burco, Qardho, Qabridaharre, Baydhabo iyo Wajeer.
Dambasamo, oo had iyo jeer ku beegma habeenka 15d ee bisha, kaas oo dhaca bartamaha dayrta (xilli-roobaadka dambe). Mararka qaar waxa uu dhacaa 14d ka, laakiin markaa waxa uu saadaalinayaa sannad xun, Godwaa’ (dayaxa oo aan godkiisi ku beegmin).
Toddob, oo dhaca habeenka 200d dabshidka kaddib. Waxa uu la kulmaa marka dayaxu ku beegmo Urur oo ah koox xiddigo isku urursan ah. Habeenka toddobku waxa uu had iyo jeer dhacaa bisha xilliga kaliisha.
Intaa waxa raaca, dhammaan saadaalaha xiddigiska ee sannadka oo dhan waxaa laga soo dheegtaa xaaladda cimilada ee habeenka Dabshidka, iyo labada habeen ee ka horreeya ama ka dambeeya. Saddex wax ayaa habeenka Dab-shidka la fiiriyaa:
In roobabbaw jiraan iyo in kale.
Haddii aanu roob jirin, in cirku rimman yahay (daruuro leeyahay) iyo in kale.
Haddii aanay daruuro jirin, in dabaylo jiraan iyo in kale, haddii ay jiraanna, awoodda dabaylaha ayaa la qiimaynayaa.
Saadaasha ugu wanaagsani waa marka aanu roob jirin habeenka dabshidka iyo habeennada ku dhaw. Roobka da’a habeenka dabshidka waxa uu saadaal u yahay colaad, baaxaddeedana waxa saadaal u ah xoogganaanta roobka. Waxa la dhahaa, mar kasta oo roobku waynaado, waa markasta oo colaaddu mid xun oo dhiig daadasho badan ay noqoto. Taa waxa caddayn u ah murtidan soo socda:
Kalaguur habeenkii, wansiixaa gob way tidhi leh
**Nayruus onkodey waa lixdanjir ooyey.
Lixdan jirna wax jidhkiisa ku dhacay kama ooyo e col iyo abaar baa ka oohiya.
***
Sidaa si ka geddisan, dadka koonfurta Soomaaliya dega, siiba deegaanka Afgooye, waxa ay saadaaliyaan, saadaal gabi ahaanba ka gaddisan middaa hore. Habeenkaa Nayruuska ee roobka leh waxa ay u arkaan in uu saadaalinayo sannad barwaaqo ah, waxaana loogu dabbaaldegaa caado dhaqameedka ISTUN-ka oo raggu ay isla dhacaan ulo.
Nawriishka ama Nayruuska Ama Dabshidka ama Istunka waxa loogu dabbaaldegaa siyaalo aan aad u kala duduwanayn gobollada Soomaalidu degto Habka ugu badan oo Soomalida iyo shucuubta kale oo xiriir la leh ugu dabaaldegaan waa in dab oog leh laga shido guryaha dhexdooda ama se debeddooda dayrka ama ardaaga qofba siduu u yaqaan.
gobolada qaar waxaa lagu sayriyaa biyo rugaha la degganyahay iyada oo gacanta lagu sayrinayo, waxaana sayriya qofka reerka ugu weyn rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee, isaga oo akhrinaya duco Soomalida ah “Shuushoow bax”.
Waxa kale oo laga laadlaadiyaa aqallada hortooda bur caws ah. Markaa ka gadaalna carruurta ayaa loo fasaxaa in ay ku ciyaaraan iyaga oo ku dayanaya dadka waaweyn kana bood boodaya dabka iyaga oo ku heesaya “Shuushow bax.” Soomaalida qaarkeed waxa ay jeclaystaan in ay dabbaaldegga Nawriishka ku qabtaan si qarsoodi ah, iyaga oo u waca wadaad si uu u cashariyo dadka iyo duunyada iyo gebi ahaan meelaha la degganyahay; isaga oo ku akhrinaya aayado qur’aan ah.
CASHARKU waa khad madoow oo lagu qoray aayado Qur’aan ah madiibad gudaheed, dabadeedna lagu dhaqay biyo; markaas ka dibna loo saydh-saydhiyay sidii aan soo sheegnay. Khadkaas biyaha lagu maydhay waxa marmarka qaarkood la siiyaa bukaanka oo lagu daaweeyaa, waa na hab daawo dhaqan diimeed Soomaali ah.
Xigasho
Stars, Seasons and Weather in Somali Pastoral Tranditions, Muuse Galaal. Bogagga 18-21. Dibuhabaynta Garanuug, 2016.
Wikipedia Commons.
http://www.turkishculture.org/lifestyles/ceremonies/nevruz-221.htm?type=1
2) http://www.worldatlas.com/webimage/countrys/europe/balkans.htm
3) http://www.hurriyetdailynews.com/ocalan-urges-pkk-to-convene-congress-to-lay-down-arms.aspx?pageID=238&nID=79988&NewsCatID=338
4) Mohamed Diriye Abdullahi, Culture and Customs of Somalia, 2001.
5) Ali Jimale Ahmed, The Invention of Somalia, 1995.
6) http://en.wikipedia.org/wiki/Istunka
7) http://www.bbc.co.uk/somali/news/030723_afgoye.shtml, 2003
8) Abdulkadir Abiikar, Somalia: Dab Shid – An ancient pre-Islamic culture that evolved into religion and culture:
http://www.somalicurrent.com/2014/10/07/somalia-dab-shid-an-ancient-pre-islamic-culture-that-evolved-into-religion-and-culture/