Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dad ku dhow u sheegay in uu dhowaan u baxayo safar dibadda ah.
Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayuu sheegay in uu safar kooban ugu baxayo sida ay xaqiijinayaan dad ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynuhu si cad uma sheegin wakhtiga uu safarkaas u baxayo iyo arrimaha uu salka ku hayo midna.
Waxaa xusid mudan in uu tiro badan uu safaro kala duwan oo ugu tegay dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta isgoo madaxwaynuhu fursad u waayay booqashada Gobolada Puntland qaar si uu ugu kuur galo xaaladaha Shacabka Deegaanadaas ee uu Madaxwaynaha U yahay