Madaxweyne Deni iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa xalay Garoowe ku yeeshay kulan gaar ah oo ku saabsan xallinta muranka ka taagan doorashada kuraasta Hop#198 iyo Hop#199.
Kulanka labada dhinac ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay hannaanka loo marayo doorashada labadaas kursi.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaya in kuraasta loo xiro shakhsiyaad ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda Puntland halka Islaanka Bashiir doonayo in tartan furan loo galo kuraasta.
Muran ayaa sidoo kale ka taagan xulista ergada dooranaysa labada kursi ee Hop#198 iyo Hop199 taas oo aan weli xal laga gaarin.