Wasiirka Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Axmed Yuusuf Maxamed, ayaa sheegay inay jirto shabakad bilowday inay jarto dhirta loo yaqaan “Dhir Quwaaxa”, si ay u dhoofiyaan.
Wasiirka oo la hadlay TV ku hadla afka Xukuumadda Puntland ee PUNTLANDTV ayaa xusay inay cadeymo muujinaya jiritaanka shabakaddan, balse ay ka hortageen inay dhoofiyaan dhirtan, oo si gaar ah looga jarayo gobalka Nugaal.
Laamaha Ammaanka ayuu sheegay Wasiirku inay ku dabajiraan soo qabashada kooxdan, wallow aysan suuragalin in gacanta lagu soo dhigo.
Halkan Hoose Ka daawo waraysiga uu wasiirku ku sheegay arintan