Xiddiga da’da yar ee Barcelona Ansu Fati ayaa ka hadlay bilowgiisii kooxda reer Catalan, wuxuuna shaaca ka qaaday dhinacyo badan oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah iyo caruurnimadiisii Guinea-Bissau, xiriirka uu la leeyahay aabihiis, iyo doorka diinta ee noloshiisa.
Fati ayaa ka soo muuqatay barnaamijka “Made in La Masia” oo ah barnaamij taxane ah oo laga sii daayo TV-ga FC Barcelona, kaasoo loogu talagalay martigelinta xiddigihii kooxda ee soo maray xarunta tababarka kooxda.
Laacibka ayaa ku soo laabtay sannadihiisii hore, waxaana uu sheegay in uu aad ugu xiisay aabihiis marxaladihii hore ee noloshiisa, sababtoo ah waxa uu u safray Spain si uu shaqo u raadsado, qoyskiisana uga soo tagay Guinea-Bissau.
Fati wuxuu tilmaamay inuu ku biiray aabihiis markii uu 7 jir ahaa, ka hor inta uusan xirfadiisa kubadda cagta ka bilaabin kooxo yaryar oo Sevilla, ka hor inta uusan ku biirin Xarunta Tababarka ee La Masia.
Laacibkanayaa ka hadlay xiriirka isaga iyo qoyskiisa, wuxuuna yiri: “Aad ayaan isugu dhownahay, marka qof naga mid ah uu dhibaato soo gaarto, qof walba way dhibtaa, iyagaa ii hiiliya, la’aantood ma garanayo waxaan sameyn lahaa. , mahad iyagaa leh waxaan gaaray waxa aan maanta ahay."
“Anigu waxaan ka imid Guinea-Bissau, waxaanan imid Spain anigoo 7 jir ah oo walaalahey la jooga, aabahay wuxuu ka shaqeeyay halkaan, markii uu fursad u helay inuu na keeno waxaan la nimid hooyaday, isaga mahadii waxaan dhihi karaa waan buuxiyay. riyadayda wax walba waxaan ku leeyahay aabahay iyo hooyaday.
Fati oo ka hadlaya dalka uu asal ahaan ka soo jeedo waxa uu yiri, "Waxaan dareemayaa inaan ka imid Guinea-Bissau, laakiin tan iyo markii aan imid ma awoodin inaan ku laabto, riyadeydu waxay tahay inaan ku laabto halkaas si aan u caawiyo caruur badan, gaar ahaan waxbarashada."
Xiddiga da'da yar ayaa ka soo laabtay waqtiyo adag oo la socday bilowgiisii Barcelona, iyadoo dhaawacyo halis ah ay ka horjoogsadeen inuu sii wado inuu ka soo muuqdo tan iyo markii ugu horeysay ee uu u saftay kooxda Catalan bishii Ogosto 2019.
Wuxuu xaqiijiyay inuu muslim yahay wuxuuna yiri " Qoyskayga waa Muslim, waxaanu mar walba aaminsannahay in shaqada iyo fadliga Alle ay wax kasta suurtogal yihiin, intii aan dhaawacanaa aad ayaan u ducaysanaayay,
Xigasho: mareegaha