Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta yaa galabta kulan la qaatay mid ka mid ah madaxda shirkadda DP WORLD.
Qaraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni kulan la qaatay Suhail Al Banna oo ah ma’suulka DP WORLD u qaabilsan Bariga dhexe iyo Afrika, ayna isla qaateen in sida ugu dhakhsiyo badan loo billaabo balaarinta iyo dhismaha Dekadda Boosaaso.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Axmed Yaasiin Saalax iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, kuwaasi oo markii kulanku dhammaaday booqasho ku tegay Dekadda Jabal Cali iyo Xafiiska DP WORLD.
Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uu dhawaan sheegay in dib u eegis lagu sameeyay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World, islamarkaana meesha laga saaray shirkaddii dekedda maamuleysay ee P&O.