القائمة الرئيسية

الصفحات

MUCAARADKA SOMALIA OO RABA IN KURSIGA GUDOOMIYE KU XIGEENKA BAARLAMANKA LOO XIRO SACDIYA SALAAD



Dhinacyada mucaaradsan dawlada fedraalka  Somalia oo ay hoggaaminayaan midowga Musharrixiinta islamarkaana taageero ka helaya Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa doonaya in kursiga guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Shacabka loo xiro xildhibaan Sacdiya Salaad.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dhinacyada mucaaradku ay ku mideysan yihiin musharrax guddoomiye ku xigeen Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar (Sacdiya Salaad) halka liiska xildhibaannada la isku dayaayo in laga reebo  Fahad Yaasiin oo haduu la tartamo ka guulaysanaayaa gabadhaas .

Mucaaradka Somalia oo kaashanaya Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale doonaya in kursiga guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka loo sharraxo dad kala duwan oo malxiisyo u noqda Sacdiya Salaad.