القائمة الرئيسية

الصفحات

5 Arrimood oo la yaab leh oo ku saabsan Kim Jong-un

 


Xog badan lagama hayo kalitaliyaha ugu da’da yar caalamka ee heysta awoodda waddanka Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Isagu kama hadlo arrimo ku saabsan noloshiisa gaarka ah, laakiin arrimo aad u yaab badan ayaad ku arki kartaa taariikh nololeedkiisa rasmiga ah.

Waxa kaliuya ee aad ka ogaan kartid macluumaadkiisa waa qoraallo ay wariyeyaal ka sameeyeen xogo laga helay sirdoonka Kuuriyada Koonfureed.

Halkan waxaan idiinku soo gudbineynaa shan arrimood oo layaab leh oo ku saabsan hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

1- Lama yaqaanno taariikhda uu dhashay

Kim Jog-un wuxuu dhashay 8-dii bishii January ama 6-dii bishii July ee sanadkii 1982-kii, ama 1983-kii. Ama xitaa 1984-kii.

Maxay tahay sababta ay taariikhda hdlashadiisa sidaas jahwareerka ugu tahay?

Waxaa la sheegaa in hoggaamiyahan uu doonayo in uu u muuqdo qof da’ weyn oo xikmad ku filan heysta, sidaas darteed taariikhda dhalashadiisa ee rasmiga ah waa 1982-kii.

Laakiin Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed waxay sheegeen in Kim Jong-un uu dhab ahaantii dhashay labo sano kaddib xilliga uu qortay.

Si kastoo ay ahaatada, wuxuu ka mid yahay madaxweyneyaasha ugu da’da yar caalamka.

2- Sunniyihiisa way sii gaabtaan

Sawirro Kim laga qaaday sannado kala duwan waxay caddeeyeen in sunniyihiisa ay si la yaab leh isu baddalaan: marba marka ka dambeysa way kasii gaabtaan sidii ay ahaayeen.

Waxaa la aaminsan yahay in uu isaga kas u jaro si uu ugu ekaado aabihiis Kim Jong-il. Dabcan arrintaas waa iska sheeko uun, wayna kasii yaab badnaan lahayd haddii Kim Jong-un uu si rasmi ah u qiran lahaa in uu sunniyihiisa wax uga baddalo si ay aabihiis isu shabahaan.

3- Taariikhdiisii yaraanta waxba lagama oga

Ninkan ma doonayo in uu warbaahinta usoo bandhigo sheekooyinka ku saabsan xilligii uu yaraa iyo taariikhdiisii carruurnimo. Xitaa sawirro lagama hayo.

Hase yeeshee, sanadkii 2014-kii ayaa shaashad laga soo muujiyay dhowr sawir xilli ay militariga dalkaas bandhig ku xusayeen maalinta fasaxa ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxaa la sheegay in sawirradaas ay yihiin hoggaamiyaha waddanka xilligii uu yaraa, laakiin cidna ma oga runta waxa ay tahay iyo in sawirradaas ay dhab ahaan u yihiin kuwiisa.

4- Wuxuu leeyahay jagooyin badan 

Dabcan xilalkiisa ugu waaweyn waa inuu yahay hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo hoggaamiyaha xisbiga talada haya.

Waxaa kale oo lagu magacaabaa:

“Billowga cusub”

“Xubin cajiib ah”

“Ninka caqliga badan”

“Taliyaha Kuuriyada Waqooyi” (Tan iyo 2012-kii)

Taas waxaa sii dheer, ninkan wuxuu shahaadada heerka koowaad ka heystaa cilmiga physics-ka taasoo uu ka qaatay Jaamacadda Kim Il-sung iyo waliba shahaadada cilmiga Dhaqaalaha oo uu ka qaatay Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee HELP oo ku taalla dalka Malaysia.

5- Switzerland ayuu wax kusoo bartay isagoo magac kale watay

Iskuul aad u heer sarreeya oo ku yaalla meel u dhow magaalada Bern ee dalka Switzerland ayuu arday u dhashay Kuuriyada Waqooyi dhiganayay intii u dhaxeysay sannadihii 1998-kii ilaa 2000.

Wuxuu u diiwaan gashanaa in uu xubin ka ahaa shaqaalaha safaaradda. Ma uusan sheegin magiciisa dhabta ah. Ma jirin cid sheegi kartay in uu noqon doono hoggaamiyaha mustaqbalka ee Kuuriyada Waqooyi.

Sawirkiisa xilligaas uu iskuulka ku jiray laga qaaday markii la arkay dadkii wax la baranayay waxay xaqiijiyeen in uu ahaa Kim Jong-un laftiisa.

Waxay xasuustaan inuu ahaa qof aad u shactiro badan, wuxuuna jeclaan jiray ciyaaraha in ka badan siyaasadda.