Gabar 15 jir ah oo Soomaali ah, ayaa darawal bas ku dishay xaafadda 11-aad ee 6-da October, ee Qaahira ee dalka masar xilli ay isku dayday inay difaacdo sharafteeda, ka dib markii uu isku dayay inuu fara xumeeyo, isagoo u hanjabaya mindi.
Inantii ayaa timid Xafiiska Booliska, iyadoo uu la socdo Qareen ka tirsan Hay’adda UNHCR, waxayna tiri “Darawalkii Gaariga basks oo uu watay si uu ugu geeyo halka ay degan tahay, ayaa ka leexiyay Xarunta Hay’adda UNHCR Lana aaday Wadooyinka maran, asagoo damcay in uu faraxumeeyo, asagoo Ugu handadaaya qoorta inuu uga dhufanayo mindi, laakiin waxaa ii suurtagashay in aan hubka ka qaato xoog oo aan xabadka ka dhufto, waana cararay."
Markii gabadhan la horgeeyay xafiiska xeer ilaalinta ayaa la go’aamiyay in xabsiga lagu sii hayo muddo 4 maalmood ah, inta ay baaritaannada socdaan, kaddib markii ay laamaha ammaanku u xil-saareen inay soo diyaariyaan baaritaanno dheeri ah oo lagu sameeyo dhacdadan si loo ogaado xaaladdeeda.