Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Shana Siihayaha Xilka Madaxwaynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wareegto uu soo saaray xilalkii ka qaaday Wasiiradda Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Arrima Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Amniga Cabdisamad Galan.
Mdxwayne Axmed Karaash ayaa wareegtada ku sheegay in uu C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) u magacaabay Wasiirka Maaliyada, halka Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta, sidoo kale wuxuu Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) u magacaabay Wasiirka Amniga iyo DDR-ta.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u sheegay in aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta oo uu soo saaro Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, iyadoo Madaxweyne Deni ku mashquulsan yahay ololaha doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Warqadii xul ka qaadista Ayaa sidan u qorneeed
XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022
Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland
Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland
MARKUU ARKAY: - Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.
MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.
WUXUU XEERIYEY:
MAGACAABID
1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland
2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland
3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.
Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland