القائمة الرئيسية

الصفحات

Warar sheegaya in imaaraadku ka dalbadeen Madaxwayne Denni inuu is sharaxin


XOG - Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland siciid c/laahi Denni ahna musharaxn horay Ugu dhawaaqay inuu u tartamaayo sidii uu Madaxwayne Farmaajo uga saari lahaa madaxtooyada Soomaaliya Aya gudiga Doorashadda Madaxwaynaha ka dalbaday in waqti la siiyo ilaa biri galab si uu u helo waqti uu iskugu diyaariyo qaadashadda shahaadadda musharaxnimadda.

Xogaha qaar ahaa sheegay in Dawladda Imaaradka carabta oo saaxiib dhow la ah ay kula talisay in uusan isa sharixin maadaama fursadihiisa guusha ay yaryihiin taas bedelkeedana uu dhiso Musharax Mucaaradka ka mid ah laakiin arinkaas Madaxwayne Denni ayaa aad uga caga jiidaya dalabka uga yimi saaxiibadiis Imaaraadka iyo ahmed Madoobe.