القائمة الرئيسية

الصفحات

WARARKII U DANBEEYAY AMIIN GUULEED OO U XIRAN SIRDOONKA PUNTLAND

 



Amiin Maxamuud Guuleed oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeya ayaa weli u xiran hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA.

Saraakiil ka tirsan hay’adda PISA oo aan rabin in magacyadooda la xigto ayaa  Amiin ku tilmaamay shakhsi ku eedaysan kiis la xiriira kicin dadweyne iyo warar-been abuur ah

Saraakiishu ma faahfaahin kiiska ku saabsan kicinta dadweyne balse waxay ku gaabsadeen in baaritaan lagu hayo

Urur siyaasadeedka Mideeye weli kama hadlin dhacdaaas lagu xiray Amiin Guuleed oo ka tirsan ururkooda.