القائمة الرئيسية

الصفحات

Xog: Dollar been abuur ah oo lasoo geliyey Muqdisho si loogu iibsado xildhibaanada



Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahinta qaar ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lasoo geliyay lacago dollar been abuur ah, taasoo la rabo in loo adeegsado ololaha doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha oo ku asteysan inay dhacayso 15-ka May ayaa murashaxiintanta waxay olole xooggan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cododka xildhibaanada oo lagu kala iibsado qiime lacageed oo aad u sarreeya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo qaarkood la shaqeeya musharaxiinta madaxweyne ayaa  sheegay in xogta lacagta dollar-ka been abuurka laga helayo ilo amnio o u sheegay in loo adeegsan rabo xildhibaanada laaluushka qaadanaya.

Waxaa suuragal ah in lacagta been abuurka ah la adeegsado saacadaha danbe ee doorashada, gaar ahaan habeenka ka horeeya maalinka doorashada, xiligaasi oo ah waqti saxmad badan oo isbarbar yaac badan uu jiro, ayna adag tahay in lacagta la xaqiijiyo sax ahaanshaheeda.

Xildhibaanada qaarkood ayaa qorsheynaya inay dalbadaan in lacagta loogu soo shubo akoono banki, balse taas ma cadda inay ogolaan doonaan musharaxiinta madaxweyne, maadaama lacagtaas ay yeelan karto raadraac.