Warar hoose ay heshay warbaahinta warqaad ayaa sheegaya in xil loo magacaabi doono Wasiirkii hore ee Amniga Dawlad gobolleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaano C/rashiid Janan.
Xogta la ogaaday ayaa sheegeysa in Janan oo ku guuldareystay in kursi xildhibaan ka helo baarlamaanka golaha shacabka ayaa hadda noqon kara madaxa shaqaalaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheenaya in Janan umagacaabo jagadaasi uu hore uhayey C/llaahi Aadan Kulane oo hadda ah mudane katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulane jiis ayaa ahaa shakhsiga hayey Malafka gobolka gedo islamarkaana arimaha gobolkaasi uqaabilsanaa iyo howlgalada laga fulin jiray Madaxweyne Farmaajo oo ay isku heyb yihiin.
C/rashiid Janan oo lagu qiyaamay heshiis uu la galay Villa soomaaliya bishii Maarso 2021-kii ayaa sanad kadib waxa uu wajahayaa abaal gud la’aan ciidankiisii uu wareejiyey iyo ballan ka bax uu kala kulmay maamulkii dalka ka arimin jiray ee nabad iyo nolol.
Lama oga hadii jagadaan janan loo magacaabayo Hay’ada NISA in isku soo dhawaanshiyo dhexmari karto isaga iyo Axmed Madoobe oo khilaaf ku kala tegay islamarkaana xaalad aan wanaagsaneyn dhex taallay sanad ka badan.
Qorshaha Villa Soomaaliya ee ah in C/rashiid Xasan Janan madaxa shaqaalaha NISA ugu magacowdo ayaa ah sidii uu qeyb uga noqon lahaa dib uheshiisiinta gobolka gedo islamarkaana ay xaaladu unoqon laheyd reer gedo iyo Jubbaland ay ka midoobaan is aragti duwanaanta ka dhex jirtay.