القائمة الرئيسية

الصفحات

Shir laga yeeshay Amniga guud ee degaannada Puntland

 


Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire ayaa maanta ka qeyb galay shir uu gudominayay Taliyaha Ciidanka booliska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi  shirkaas oo looga hadlayay xaaladda amni ee gobolada Puntland.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Puntland waxaa ka qayb galay taliye ku xigeenka Ciidanka booliska S/guuto Maxamed Cali Xaashi, Hogaanada Ciidanka,Taliyaasha Qaybaha gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Karkaar, Cayn, Gardafuu, Sanaag iyo Haylan.

Taliyaha Ciidanka booliska  Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Hogaannada iyo Taliyaasha qaybaha ka dhagaystay xaalada guud ee amniga Puntland iyo shaqooyinka baaxada leh ee socda.

Taliyaha ayaa Hoggaanada iyo Taliyaasha qaybaha ku bogaadiyay doorka muhiim ka ah ee ay ka qaateen adkaynta  amniga degaannada Puntland isagoo ku la dardaarmay in ay halkaas ka sii wadaan si loo helo deegaan nabdoon.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland ka socday howlgallo ay wadeen Ciidamada puntland, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya