Koox ku eedaysan dilkii Taliye Cumar Hiirad Kaarun ayaa dhammaantood gacanta lagu dhigay sida uu xaqiijiyay Maamulka Gobolka Karkaar.
Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan oo si kooban ula hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay in gacanta lagu hayo koox ka kooban afar nin oo ku eedaysan dilkii Taliyihii Saldhiga degmada Qardho Cumar Hiirad.
Kooxda loo qabtay dilkii marxuumka ayaa loo gudbiyay xabsiga magaalada Qardho waxaana lagu samaynayaa baaritaan si maxkamad loo horgeeyo.