القائمة الرئيسية

الصفحات

Baargaal oo si wayn looga dabaaldagay munaasibada ciidul adxaa

  


Magaalada Baargaal ayaa maanta si wayn looga dabaaldagay munaasibada ciidul adxaa , Waxaa isigu Soo baxay banaanka Magaalada boqolaal dadwayne ah oo isugu jira rag iyo dumar halkaas oo saaka Lagu tukaday salaadii ciida 

Gudoomiyaha gobolka Gardafuu Dr muuse saalax guuleed ayaa kala qaybgalay dadwaynaha salaada ciida ee saaka Lagu tukaday duleedka Magaalada 

Gudoomiyaha gobolka Gardafuu Dr muuse saalax guuleed oo ka hor hadlay boqolaal Qof salaada kadib ayaa Marka hore hambalyada munaasibada ciidul adxaa u diray madaxda puntland Oo Ugu horeeyo madaxweyne siciid c/laahi Denni iyo Madaxwayne Ku xigeenka iyo golayaasha Dawlada iyo Shacabka Puntland iyo umada Soomaaliyeed 

Gudoomiyaha gobolka Gardafuu ayaaIlaay ka baryay inuu umada Soomaaliyeed ka dulqaado abaaraha  

Sidoo kale Waxaa munaasibada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Cabbane caynab Muuse iyo suldaan Maxamed muuse axmed oo Bulshada kala hadlay ahmiyada munaasibada ay uleedahay midnimada iyo wadajirka umadda