Golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo maalinta sabtida ah ee todobaadka dambe sida warar hoose Lagu helaayo
Madaxweynaha iyo raysal wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu dambayn isku raacay liis gole wasiirro ah oo ay ku jiraan saaxiibo badan oo ka socda dhinaca madaxweynaha.
Waxay qaadatay muddo ku dhow bil soo magacaabidda xukuumadiisa, taasoo siyaasiyiin badan oo ku jiray ololaha madaxweynaha ay doonayaan inay kasoo muuqdaan.
Lama oga tirada rasmiga ah ee golaha wasiiradda. Waxaase jira warar ku saabsan in tiro yar oo kamid ah xukuumadii Rooble inay kasoo muuqan karaan xukuumada cusub.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo haatan xafiiska jooga muddo 50 cishe ah, waxaa waqtigiisa ugu badan uu ku bixiyay safaradda dibadda ee uu ku marayo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya