Wasaaradda Kheyraadka badda ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in 12 kaluumeysato ah ay ku dhinteen duufaan ku dhufatay xeebaha maamulkaasi.
Cabdullaahi Cali oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda kheyraadka badda Jubaland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa yiri “Duufaanadii badda ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay xeebaha maamulkaasi waxay geysteen khasaare naf iyo maalba leh”.
Cali waxa uu intaasi ku daray “12 kaluumaysato ah ayaa ku dhintay badda kadib markii ay la qalibantay doonyihii ay la socdeen dabaysha duufaanta awgeed ,halka ku dhawaad 10 doomood oo kalena ay waxyeelo ka soo gaadhay mowjadaha dabaysha watay.
Wasaaraddu waxay uga digtay kalluumaysatada inaysan masaafo dheer u dhoofin, isla markaana ay qaataan agabka badbaadada xilliyada ay dabeylaha ka socdaan badda, kuwaasoo socon kara illaa bartamaha bisha Ogosto.