القائمة الرئيسية

الصفحات

Ciidanka Liyuu boolis oo soo bandhigay Al-Shabaab ay dagaalka ku qabteen

 


Ciidanka Liyuu Boolis ayaa gacanta kusoo dhigay ku dhawaad 50 ka mid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab kuwaasoo gudaha u galay dowlad deegaanka Soomaalida.

Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ayaa sheegay ayaa sheegay in dadkaan loo dhaadhiciyay xabsiyadda,islamarkaana kuwa dhaawacyadda ah la daaweyn doono.

Waxaa weli dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ka socdaan degaano kamid ah Dhulka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalada ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ay weerareen degaano kuyaalla dowlad degaanka, waxaana dagaalada ka dhashay dhimashada in ka badan 100 Ruux tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil katirsan Ciidanka liyuu Boolis ayaa sheegay in ay ku hareereeyeen degaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno kamid ah Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka oo guulo ka sheegtay dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa intii uu socday dagaalka, 16-gaadiid oo ay wateen ay ka carareen Al-Shabaab marka laga reebo toddoba gaari oo ay gubeen.