Dhulgariir lagu qiyaasay 5 Cabirka Richter ayaa ku dhuftay Gacanka Cadan ee xeebaha Yemen iyo Soomaaliya.
Waxaana xarumaha la socodka dhul gariirku ay sheegeen in gelinkii dambe ee shalay uu dhul gariir ka dhacay gacanka cadmeed.
Sida ay xarumahaasi sheegeen Dhul-gariirkii ku dhuftay Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Dekedda Cadan ee Yemen iyo Dekedda Berbera ee Soomaaliya, waxa uu ahaa Dhul-gariir cabirkiisu yahay 5 Cabirka Richter guntiinsu gaarsiisnayd 10 Km.