القائمة الرئيسية

الصفحات

Guddiga KMG Doorashooyinka PL oo Degmada Baargaal ku qabtay wacyigalin nidaamka Axsaabta Badan

 


Guddiga kumeelgaarka ee doorashooyinka Puntland ee TPEC oo safar shaqo Ku Soo gaaray Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu , ayaa maanta Kulan balaaran  la qaatay Maamulka Degmada Baargaal , ururada Dhalinyarada Haweenka iyo qaybaha kala Duwan ee   Bulshada , waxayna Bulshada Faahfaahin iyo warbixino  ka siiyeen barnaamijka dimaaqraadiyada Puntland iyo  sida dadwaynuhu ua qayb Gali karo.

Kulanka oo lagu qabtay guriga martida Degmada  ayaa Masuuliyiinta iyo dadwaynaha Degmada Baargaal waxay aad u Soo dhaweeyeen  hirgalinta nidaamka Axsaabta Badan ee Puntland ayagoo guddiga doorashooyinka Puntland UGA mahadceliyay warbixinta ay ka siiyeen barnaamijkan muhiimka u ah dadwaynaha  

Waxaan kulankaas  ka hadlay  Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Cabbane caynab Muuse oo asaguna ka hadlay madasha Kulanka wacyigalinta barnaamijka dimaaqraadiyada Puntland ayaa sheegay  sida loogu baahanyahay in looga wada qaybgalo habka xisbiyada badan ee Puntland u guurayso