Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar aan la shaacin ugu baxay waddanka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Deni oo ka dhoofay caasimadda Garoowe ayaa sii mari doona magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Dad lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in safarka Siciid Deni ku tegayo waddanka Imaaraadka Carabta uu la xiriiro arrimo siyaasadeed.