القائمة الرئيسية

الصفحات

MARKABKII LABAAD OO LAGU WADO IN UU SHIDAAL KEENO DEKEDDA BOOSAASO

 


Markab weyn oo shidaal sida ayaa lagu wadaa in uu maanta ku soo xirto dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waa markabkii labaad oo shidaal keenaya dekedda Boosaaso waxaana ka horreeyay mid soo xirtay 1-dii bishan July 2022.

Qiimaha shidaalka ayaa muddooyinkii danbe sare u kac ballaaran laga dareemayay gudaha Puntland taas oo la filayo in isbeddel ku yimaado haddii shidaal badan suuqa soo galo.