dawlad goboleedka Puntland oo hawlgal qorsheysan ka fulisay buuraha sil-silada Golis ee Gobolka Bari gaar ahaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan kooxaha daacish iyo alshabaab oo ka tirsan Ururada Argagixisada.
Saraakiil u hadlay qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyo kala duwan ay kooxda argagixisada Al Shabaab lahaayeen waxayna gacanta ku dhigeen agab ka kooban raashin, budada qaraxyada laga sameeyo iyo daawooyin.
Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa u firxaday buuraha fog waxaana ciidmadu ay sheegeen in ay howlgaladu wili sii socon doonaan.