القائمة الرئيسية

الصفحات

Puntland Oo La Filayo In Ay Xukunno Ku Riddo Eedaysanayaal Loo Haysto Al-Shabaabnimo

 


Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xarunteeda Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay xukunno ku riddo eedeysanayaal la sheegay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shababaab.

Labo eedaysane lagu kala magacaabo Xasan Muuse Axmed iyo Cabdikhaaliq Warsame Barre ayaa Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay ku eedeysay in ay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab,kuwasi oo sidoo kale la sheegay in ay falal amini darro ka gaysteen Xaafado ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.