القائمة الرئيسية

الصفحات

Adeegyo Ku cusub WhatsApp muddada soo socota

 


Shirkada WhatsApp ayaa ku dhawaaqday in ay soo kordhisay adeeg cusub oo dhawaan la bilaabi doono si loo adkeeyo fariimaha gaarka ah iyo wadasheekeysiga  .

Madasha Whatapp ayaa xaqiijisay in adeegan cusub uu awood u siin doono dadka isticmaala inay xannibaan sawirada  iyo fiidiyowyada fariimaha halka mar ah.

Waxa ay intaa ku dartay in adeegan uu ku kooban yahay oo kaliya sawirada iyo muuqaalada  oo aanay ku jirin sheekada qoraal ah, iyadoo xustay in lagu guda jiro soo saarista laba astaamood oo kale, kuwaas oo kala ah, sifada lagu cadaynaayo cidda arki karta isticmaalaha “online”, iyo astaanta kale oo awood u siindoonto isticmaalaha inuu ka bixi karo kooxaha iyadoon la ogeysiin xubnaha intiisa kale.