القائمة الرئيسية

الصفحات

hay’adda waddooyinka Puntland iyo shirkadda National Engineering oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $680,000 oo lagu dayactiraayo wadada lafagoray



Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA ayaa saxiixday heshiis ku saabsan dib u-dhiska iyo dayac-tirka jidka Lafa-goray.


PHA iyo shirkadda National Engineering & Construction Corporation oo fulinaysa dhismaha jidka Lafa-goray ayaa kala saxiixda heshiiska.

Jidkan oo dhererkiisu yahay 26km ayaa lagu dhisayaa lacag gaaraysa $680,000 sida laga soo xigtay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA.

Waddada Lafagoray ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee deegaanada gobolka gardafuul ay la wadaagaan deegaannada kale ee Puntland iyo inta kale ee Soomaaliya, iyadoo tallaabo kasta oo dib u dhis iyo, dib-u-dayactir  lagu samaynayo ay tahay tallaabo loo qaaday dhinaca horumarka oo ay  gaareen  magaalooyin iyo tuulooyin badan oo ka tirsan gobolka Gardafuul , waxa kale oo ay noqon doontaa mid horseed u ah horumarka bulsho, dhaqaale, waxbarasho iyo caafimaad ee deegaanada gobolka Guardafui oo saamayn toos ah ku yeelan doonta horumarka deegaanka. 

Xukuumadihii hore ee Puntland  ayaa sidaan oo kale heshiisyo dhisme iyo dayactir wadada lafagoray ah waxay la saxiixdeen  shirkado dhismo oo aan awoodin gudashada waajibaadkooda oo aan fullin karin dayactirka wadooyinka adag sida wadada lafgooray oo kale ,Taas oo muujisay heerka uu marayo musuq maasuqa ka jira Hay'adaha dawlad goboleedka Puntland 

Wadada Lafagoray ayaa horay u ahayd buur ay jeexeen dadka deegaankaasi oo adeegsanaya aaladaha qarxa , waana qar ay hoos ka xigto badda Hindiya