القائمة الرئيسية

الصفحات

DEG-DEG: William Ruto oo ku guuleystay Madaxweynaha Kenya

 


William Ruto, ayaa ku guuleystay Madaxweynaha dalka Kenya, kaddib doorasho maalmo socotay oo ka dhacday guud ahaan dalkaas.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Kenya oo khudbad ka jeedinaya xarunta dhexe ee Guddiga ee Bomas ayaa sheegay in Ruto uu helay in ka badan 7 milyan oo ah codadka la dhiibtay. Halka Raila Odinga oo aha musharraxa ay sida weyn u loolamayeen uu helay 6 milyan.

Raila Odinga ayaa ka baaqsaday xarunta Guddiga IEBC ee Bomas, oo ay ku sugnaayeen musharrixiinta ay loolamayeen oo uu kamid yahay Madaxweynaha guuleystay Ruto.

Xisbiga Odinga ayaa saacado kahor shaaciyay in lagu shubtay doorashada, laysna daba mariyay tirinta codadka, iyagoo ka digay in lagu dhawaaqo.