Waxaa magaalada Qardho laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa wararku sheegayaan in Siciid Deni u gudbi doono magaalada Boosaaso.
Mudada uu ku sugan yahay magaalada Qardho waxa uu soo xiri doonaa ciidamo tababar ku dhamaystey xerada xorgoble, sidoo kale waxa uu xariga ka jarayaa maxjar ay dhistey hay’adda Save the children, kaas oo loogu tala galay in xoolaha loo wado Bosaso ay ku sii nastaan oo maalmo lagu hayo.
Inta uu ku sugan yahay Qardho Madaxweynaha Puntland waxa uu la kulmi doonaa bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana uu wadaa latashiyo ku aadan siyaasadda Puntland.
Madaxwaynaha Puntland ayaan sadexdii sano ee uu xilka hayay aan safar ku tagan deegaanada laamiga ka baxsan asagoo safar uu ku tagi lahaa gobolka Gardafuu ka baaqday , markii ay ka dhuftaan xeebaha puntland duufaano watay dabaylo oo goyay oo khasaaro badan u gaystsy wadooyinka gobolka oo awalba shaqo u baahnaa