Haweeney lagu Magacaabi jiray Qamar Yuusuf Cali ayaa saaka waaberigii hore waxaa lagu dhex-dilay gurigooda oo kuyaalla agagaarka Ceelka Tusbaxle ee Xaafada raadeelka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Aweys Yuusuf Cali oo la dhashay Qamar Yuusuf Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in Walaashiis oo dhashay 6 Carruur ah loogu galay gurigeeda, isla markaana iyada oo sariirteeda jiifta dhowr tooreey looga dhuftay Caloosha iyo Dhabarkeeda.
Waxaa uu hadalkisa uu intaasi kudaray in Walaashiis xilliga la dilayay uu daqiiqado ka hor ka tegay Ninkeeda oo Masaajidka u aaday in uu kusoo dukado Salaada Subax balse Nin ay u maleeynayaan in uu burcad ahaa uu dhikaasi u geystay.
Alle ha u naxariistee Qamar Yuusuf Cali ayaa dhaawac culus oo tooreyda loogu geystay waxaa ay ugu dambeyn ugu geeriyootay mid kamid ah isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho.
Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya iyo Maamulka degmada Deeyniile ayaan weli ka hadlin dilkaan, waxaana uu qeyb ka yahay dilalka arxan darrada ah ee bilihii la soo dhaafay sida joogtada ah uga dhacayay magaalada muqdisho