القائمة الرئيسية

الصفحات

Internetka iyo Korontada oo wali go’an Wadi Hadramout



Mukulla (Baargaal Media)  Dadka deegaanka ayaa ku celceliyay in dhowr maalmood ka hor ay go’een adeegyadii Korontada iyo Internet-ka ee degmooyinka Dooxada Xadramout, sababo la xiriira roobab mahiigaan ah.

Dadka deegaanka ayaa xusay in hakadka joogtada ah ee dhanka Korontada, Isgaadhsiinta iyo khadka Internet-ka ee ADSL-ka ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmooyinka dooxada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmooyinka Dooxada Xadramuut waxaa ka da’ay roobab mahiigaan, waxaana roobabkaasi ay gooyeen waddooyinka halbowlaha u ah degmooyinkaasi, iyadoo sidoo kalena uu burbur soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha.

Ilo wareedka ayaa sheegay in adeegii Korontada uu dib ugu soo laabtay deegaanada qaar si xasiloon, balse wali ay ka go’an tahay deegaanada kale, inkastoo muddo ka badan 3 maalmood ay ka da’een roobabkii ugu badnaa.

Horay ayaa Shirkada Korontada Guud ee Wadi Hadramout waxa ay sheegtay in Roobab ka da’ay Dooxa maalmihii la soo dhaafay ay waxyeelo ka soo gaartay in ka badan 35 Xadhkaha Korontada ah.