"Yaa raba in uu caafimaad muddo dheer ku noolaado?" waxay ma mid ahayd ereyadii kooxda rug caddaayada Boqoradda, markii ay qaadayeen heestooda caan baxday ee ay ku luuqeeyeen 1980-meeyadii. Dabcan annagoo idil waan jecel nahay inaan caafimaad ku noolaanno, ilaa intii suuragal ah.
Waxyaabaha la wada garanayo ee caafimaadka qofka sare u qaada qaark durba waxay kusoo dhaceen maskaxdeenna, sida: jimicsiga, iska joojinta sigaarka iyo in raashin isu dheellitiran la cuno. Balse caafimaad ilaa heerkee ah ayaan ka heli karnaa cuntooyinka?
Daraasad la daabacay bishii February ee sanadkan 2022-ka ayay cilmi baareyaasha Jaamacadda Bergen ee dalka Norway ku sheegeen in isbaddal aan ku sameyno raashinka aan cuneyno uu noo horseedi karo caafimaad dheeri ah.
Xitaa waxay si gaar ah carrabka ugu dhufteen "in tallaabadaas ay kordhin karto waqtiga celcelis ahaan ay ku eg tahay da'da gabowga".
Cilmi baaristan oo loo adeegsaday xirfado hal abuurnimo ah ayaa la isugu keenay natiijooyinka daraasado hore oo lagu sameeyay cuntooyinka, kuwaas oo la is barbar dhigay. Waxaa lagu darsay dadweynaha ku nool waddamada Mareykanka, Chiinaha iyo Yurub.
Daraasadaha lagu daray waxaa ka mid ah midda caanka ah ee la sameeyay sanadkii 2019-kii, oo diiradda lagu saaray cudurrada dhibaateeyay caalamka.
Iyagoo isticmaalaya habkan ayay khubaradu darseen sida ay cuntooyin cayiman u saameyn karaan caafimaadkeenna iyo nolosheenna, si ay u helaan raashinka ugu habboon.
Waxay xogtooda kusoo koobeen in lagu dadaalo cunista khudaarta noocyadeeda kala duwan, miraha geedaha oo la qallajiyay, hadhuudhka nooc walba oo ka mid ah, sida gallayda, masagada, digirta iyo wixii la mid ah.
Sidoo kale waxyay ku taliyeen in la iska yareeyo hilibka cas iyo hilibka lasoo warshadeeyo.
Raashinka inta badan Qaaradda Waqooyiga Ameerika laga isticmaalo ee u badan hilibka cas, cuntooyinka warshadeysan iyo kuwa sokortu ku badan tahay ayay ku taliyeen in la baddalo lagu baddalo khudaarta cagaaran iyo miraha uu ka mid yahay lawska.
Miraha, khudaarta iyo kalluunka ayaa ah raashinka aysan dadku joogtada u cunin balse cilmi baareyaashu waxay ku adkaysteen in ay kuwaasi yihiin cuntooyinka caafimaadkeenna xoojiya.
Raashinnada kale oo dhan ayay daraasaddu ku sheegtay in ay yihiin kuwo saameyn dhexdhexaad ah ku yeesha caafimaadka. Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah hilibka cad, ukunta iyo saliidda khudaarta laga dhaliyo.
Waxaase ay si gaar ah u ammaaneen saliid saytuunka oo saameyn aad u fiican ku yeelata caafimaadkeenna.
Sida ay sheegeen cilmi baareyaashu, in raashinka noocan ah lagu billaabo da'da labaatanka ayaa horseedi kara in caafimaadka qofka uu hagaagsanaado muddo dheer.
Waxaa sidoo kale waxtar badan balse intaas xoogaa ka yar laga heli karaa haddii xitaa da' wayn lagu billaabo, oo ilaa 60 sano jir ah.
Hase yeeshee si uu qofku natiijo fiican u helo waa inuu ugu yaraan 10 sano joogteeyo raashinkaas. In la billaabo dabeecad cusub oo dhanka raashinka ah ayaase yeelan karta caqabaddeeda.
Laakiin cilmi baareyaasha ayaa ku baaqay in xitaa qayb ahaan loo hirgeliyo arrintan, si uu caafimaadkeenna sare ugu kaco.
Khubarada daraasaddan soo saaray ayaa sameeyay app lagu magacaabo "Food 4 Healthy Life" oo micnaheedu yahay "Cuntada caafimaadka nolosha", kaasoo laga heli karo internet-ka.