القائمة الرئيسية

الصفحات

SAWIRRO: Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

 


Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehlinayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga guud ee dhammaan degaanada Puntland, Gurmadka iyo Garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Waxaa lagu ansixiyey wax ka badelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah qodobadiisa 18-aad iyo 30-aad oo ku saabsan Maalmaha Shaqada iyo Saacadaha Shaqada, kaasi oo ay Golaha usoo gubisey Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland.