القائمة الرئيسية

الصفحات

Wafdi Ka socda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawlada Puntland oo si wayn loogu soo dhaweeyay Degmada Baargaal

 


wafdi balaaran oo ay hogaaminaayaan Wasiir Dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawlada Puntland Dr Mustafe C/fataax Maxamed iyo  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada  Xoolaha Nabadoon Dr Axmed Cabdale oo ay Waheliyaan Masuuliyiin Ka socoda Mashruuca Biyoole iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray Degmada Baargaal.

Wafdiga waxaa Afafka Hore ee Magaalada kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane Muuse Saalax Guuleed Gudoomiyaha Degmada Baargaal Cabane Caynab Muuse qaar Kamid ah Masuuliyiinta Wasaaradaha heer Gobol Nabadoono Waxgarad Dhalinyaro Haween iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu iyo Duqa Magaalada Baargaal ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Baargaal ayaa wafdiga uga mahad celiyay safarka dheer ee ay Soo Galeen si ay ukormeeraan abaaraha ka jira Gobolka Gardafuu waxay kusoo dhaweeyeen Degmada Baargaal.

Soo dhawayn Kadib wafdiga ayaa uga mahad celiyay Bulshada reer Baargaal soo dhwaynta Balaaran ee loo Sameeyay waxay sheegeen inta ay Joogaan Gobolka Gardafuu in ay xariga ka jari doonaan Xarumo Cusub oo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawlada Puntland ka hirgalisay Gobolka Gardafuu sidoo kalena ay ukuur gali doonaan Abaaraha Ka Jira Gobolka.