القائمة الرئيسية

الصفحات

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Tamarta Macdanta iyo Biyaha Dawlada Puntland oo kulan la qaatay Bulshada Baargaal.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Tamarta Macdanta iyo Biyaha Dawlada Puntland Mudane Bare Fatah oo uu Waheliyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax (Abuu Baraa) Gudoonka Gobolka Gardafuu Kan Degmada Baargaal Samafale Omar Osman Said iyo Masuuliyiin kale ayaa Kulan La Qaatay Nabadoonada Waxgaradka Dhalinyarada Haweenka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Baargaal.

Wasiirka ayaa ugu horayn warbxin guud ka dhagaystay Bulshawaynta Kala Duwan ee Reer Baargaal waxana ay Nabadoonada iyo Waxgaradka degmada Baargaal wafdiga Warbixin ka siiyeen xaalada abaaraha Caafimaadka Waxbarashada biyaha iyo Wadooyinka.

Intaa Kadib Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax (Abuu Baraa) ayaa Waxgaradka uga mahad celiyay sida ay warbxin guud uga siiyeen Deegaanka waxa uu soo jeediyay in magaalada baargaal ubaahantahay Wadooyin iyo qorshe loo sameeyo Isagoona bulshada ku Wacyi Galiyay inay bulshadu isku tashan karto islamarkaasna la samayn karo Baargaal qurux badan wadooyin leh oo udhisan si caalamiya.


Sidoo kale Wasiir Dawlaha Wasaaradda Tamarta Macdanta iyo Biyaha Dawlada Puntland Mudane Barre Fatah ayaa dhankiisa bogaadiyay sida ay bulshada reer Baargaal uyihiin buslho isku xiran waxa uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Hawlaha danta guud oo ay ugu horayso qurxinta Magaalada Baargaal waxa uu sheegay inay dawlad ahaan Diyaar uyihiin doorkooda inay qaataan waxa uu sheegay inay wasaaradiisu ay diyaar utahay wax ka qabashada Baahida biyaha ee Degmada Baargaal iyo Guud ahaan Gobolka Gardafuu

Waxa uu Wasiirku sheegay in Wasaaraddu Samaysay Sahminta Ceel biyoodka Deegaanka Qoroxaad kuwa Kalena sahmintooda la bilaabi doono.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Cabane Caynab Muuse ayaa Balan Qaaday inay Dawlada Hoose Diyaar utahay Dhiraynta iyo qurxinta Wadooyinka Baargaal Hadii ay Bulshadu Si Wada Jira Uwajahdo Qurxinta Magaalada Baargaal.

Intaas Kadib Nabdoonada Waxgaradka iyo Cuqaasha  Reer Baargaal ayaa Soo Dhaweeyay Qorshaha Cusub ee lagu Hurumarin Doono Magaalada Baargaal waxay Balan Qaadeen inay diyaar uyihiin Baargaal oo yeelata wadooyin bilic leh oo isku tashi ah gurigi iyo bogcadi ay kusoo aadona ay ka shaqayn doonaan waxgaradku sidi ay ugu qancin lahaayeen utanaasulka danta Guud.

Ugu Danbayn Masuuliyiinta Dawlada Nabadoonada Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Baargaal ayaa ubalamay in laysugu yimaado kulan Deg-deg ah si loo sameeyo gudi ka shaqeeya Hurumarinta Bilcda iyo Quruxda Magaalada Baargaal.