القائمة الرئيسية

الصفحات

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo xariga ka jaray Cisbitaalka degmada Baargaal si isku tashi ay ku dhisteen bulshadu

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladd goboleedka Puntland Dr- Jamac Farax Xasan ayaa maanta safar shaqo ku soo gaaray degmada Bargaal ee Gobolka Gardafu, Safarka waxaa ku wehelinayay wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Biyaha, agaasimayaasha qorshaynta iyo Adeega caafimaadka asaasiga ah, saraakiil ka tirsan wasaaradda iyo madax ka socotay hay’adda Save The Children.

wafdiga wasiirka Waxaa banaanka magaalada uga hor yimid masuuliyiin uu hogaaminaayo  Xildhibaan maxamed maxamuud salaalax  “Abuu Baraa”,  gudoomiyaha gobolka Gardafuu, gudoomiyaha degmada, isuduwaha wasaraadda caafimaadka gobolka, odayaasha dhaqanka haweenka iyo dhalinyarada gobolka iyo qaybaha kale ee Bulshada .

Wasiirka ayaa ugu  horayn tagay cisbitalaka degmadda Baargaal oo dhawaan si casri ah loo dhisay ayna bulshada degmada Baargaal si isku tashi ku dhisteen, asagoo xariga ka  ka jaray waxaana uu kormeeray qaybaha uu ka koobanyahay sida  qaybta qaliinka hooyada uurka leh ee si caadi ah udhali weyda oo wasaraadda oo kaashanaysa hay’adda Save The Children ay qalabeeyeen .

Wasiirka ayaa sidoo kale kormeeray xarunta hooyada iyo dhalaanka ee ku taala degmada waxaana uu kula kulmay oo warbixina ka dhagaystay maamulada caafimaadka degmada Drs. Istanbuul cali aadan  oo uga warbixisay xarunta shaqada ay qabato iyo adeega ay bixiso.

Wasiirka ayaa xarig jarka iyo kormeerka kadib hadal kooban ka jeediyay ayaa yiri:-

Waxaan xildhibaanka maamulka gobolka kan degmada, masuuliyiinta iyo dhamaan dadweynaha kala duwan ee sida diiran usoo dhaweeyay aniga iyo waftigayga uga mahadcelinayaa soo dhawayntiina waxaan ku amaanayaa shaqada quruxdabadan ee dhanka caafimaadka ah ee ka socota degmada iyo dadaalka aad galiseen hirgalinta cisbitaalka degmada .”

Wasiirka ayaa lagu wadaa caawa inuu bulshada kula hadlo xarunta cisbitaalka oo xaflad wayn ka dhici doonto.