Greece (Baargaal Media) – Inta la xaqiijiyay 22 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen xeebaha dalka Gariiga, kadib markii ay la qalibantay doontii ay la socdeen oo ay dalka Turkiga ka soo raaceen.
Mid ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Gariiga oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in 20 kamid ah dadka geeriyooday ay yihiin dumar, halka labo kalena rag yihiin. wuxuu sheeegay inay doontu rogmatay markii ay xeebta soo gartay.
Wuxu sheegay in 15 kale rag ah ay ka badbaadeen doonta, kadib markii ay ka boodeen, iyagoona dabaal uga gudbay dhinaca xeebta.
Sidoo kale, wuxuu kaloo sheegay dumarka geeriyooday inay isu buurteen hal dhinac, taasoo keentay inay doonto rogmato, mana helin wax badbaadin ah.
Maydadka dadkan weli lama aasin, eheladooda oo Turkiga iyo Soomaaliya kala jooga ayaa lagu wargaliyay macluumaadkooda geeridooda.
Bishii March ee sannadkan ayay ahayd markii dhallinyaro Soomaali ah oo ka baxay dalka Turkiga oo tahriibayaal ah ay ku geeriyoodeen Jaziiradda Lespos ee dalka Gariiga
Ugu dambeyn, Soomaali badan ayaa sannad kasta noloshooda ku waaya iyagoo doonaya inay safar tahriib ah ku galaan qaaradda Yurub