Xog gaartay warbaahinta ayaa sheegaysa in guddi ay magacowday dowladda Puntland 2019 oo hayay dhaqaale ay dad Soomaaliyeed ugu yabooheen waddada Lafogorayo ee gobolka Gardafuu laysku hayo lacagtaas wareejinteeda
Lacagta oo dhan $330,000, kuna jirta koontooyin ay maamulaan guddi culimada u xilsaarnaa hawshaas ayaa dowladdu doonaysay in ay ku darto dhaqaale ku baxaya dhismaha wadada Lafogorayo oo la qorshaynayo in wax laga qabto.
ma jiraan warar madax banaan oo sheegaya sababta guddiga wadaada lacagtaas uruuriyay ay u diideen in ay ku wareejiyaan dowladda.
Hay’adda Waddooyinka Puntlnad ee PHA ayaa dhawaan shaacisay heshiis ku kacaya lacag gaaraysa $680,000 oo ay la saxiixatay shirkad fulinaysa dhismaha wadada Lafogorayo.
Roobab da’ay bishii November 2019kii oo wataty dabaylo iyo daadad ayaa sababay in ay go’do waddada Lafogorayo oo halbowle u ah gobolka Gardafuu.
wadada Lafogorayo ayaa ka mid tahay waddooyinka ugu khatarta badan degaannada Punrland iyo soomaaliya .