Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dawlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Bashiir Muuse (Cirro) oo ay wehlinayaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland iyo Guddoomiyaha Hay'adda Waddooyinka Puntland ee PHA ayaa Dhagax-dhigay mar kale Dhismaha mashruuca wadadda Lafa-Gorayo oo muhiim u ah isu-socodka gaadiidka Gobolka Gardafuu.
Dhagax dhiga cusub ee Dhismaha wadada lafagoray markaan waxaa wafdiga wasiirada ku weheliyay Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka gardafuu gudoomiyaasha degmooyinka Baargaal iyo bareeda isuduwayaal, ,Taliska Qaybta Gobolka, isimo, Nabadoono, Dhalinyaro, iyo qaybaha kale ee Bulshadda Gobolka Gardafuu.
dhagax dhigan cusub ayaa imaanaayaa sanado kadib iyadoo aysan dawladda puntland waxna ka qaban dhagax dhigyadii hore oo xitaa shaqooyinka dayactirka ee caadiga ahaa aan laga fullin
wadooyinka Gobolka Gardafuu ayaa u baahan Dayacir Ballaran , iyadoo Bulshada Ku dhaqan Deegaanadaasi ay ku adkeysata in wadooyinkooda ay yihiin kuwa ugu dayan oo ugu liita Puntland iyo Soomaaliya aan wax mashruuc ah la soo gaarsiin
wadad maanta la dhagac dhigay dhismeeheda ee lafagoray ayaa horay loogu dhisay iskaa wax u qabso , iyadoo aysan wadaddu lahayn balac ku fillan oo gaadiidka isku dhaafi karaan , sidoo kalena gaadiidka ayaan badankood isticmaali karin marka laga reebo noocyo gaar ah.
Wadada Lafagoray ayaa horay u ahayd buur ay jeexeen dadka deegaankaasi oo adeegsanaya aaladaha qarxa , gacana ka helayay maamuladii Puntland horay usoo maray, waana qar ay hoos ka xigto badda Hindiya