Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa maanta ka degay magaalada Adis ababa,halkaasoo si weyn uu ugu soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Abiye Ahmed.
Ujeeddada socdaalkiisa ayaa lagu sheegay ka qeybgalka munaasibad xarigga looga jarayo Safaricom PLC faraceeda dalka Itoobiya.
Waxaa sidoo kale la filayaa iney yeesheen kulamo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xadka labada dal ee deriska ah
kan ayaa noqonaya midkii saddexaad uu Ruto dalkiisa uga boxo kadib socdaal dhawaan uu ku tagay London, halkaasoo uu uga soo qeyb galay tacsida boqoradii UK ee geeriyootay iyo shirkii Golaha guud ee Qaramada Midoobe ee lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka.