Maxamed iyo Nuur waxa ay ahaayeen saaxiibbo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayey waxa ay socod u aadeen meel kayn ah.
Kaynta waxaa ku noolaa xayawaan badan oo duur-joog ah.
Nuur waxa uu noqday mid baqdin badan.
Maxamed ayaa yiri, "Haddii aan dugaag aragno, anigu kaaga carari maayo ee waan ku kaalmaynayaa."
Nuur ayaa ku jawaabay, "Aniguna sidaa si le'eg baan kuu gargaarayaa haddii uu bahal ina soo weeraro."
Muddo yar dabadeed waxa ay maqleen ciy xayawaan ee hoose. Hareerahooda haddii ay wax yar eeg-eegeen, waxa ay arkeen haramcad in yar u soo jira.
Markiiba Nuur waa uu cararay.
Maxamedna waxa uu bilaabay in uu fuulo geed u dhowaa.
Laakiin markii uu dhex marayo ayaa uu geedkii ka sibxaday oo uu soo dhacay.
Dabadeed waxa uu arkay haramcadkii oo in yar u soo jira.
Waxa uu ku fekerey oo uu ku tashaday in uu jiifsado oo uu iska dhigo meyd.
Waxa uu filayey in uu haramcadku sidaas kaga tagayo.
Haramcadkii inta uu Maxamed dul yimid ayaa uu meel waliba ka ursaday.
Markii uu ka waayey meel dhaqaaqda, ayaa uu iskaga tegey.
Mar alliyo markii uu haramcadkii tagey, waxa soo noqday Nuur.
Waxa uu weydiiyey saaxiibkiis, "War maxaa uu haramcadku kuu sheegayey markii uu afka dhegta kuu saaray?"
Maxamed ayaa ku jawaabay, "Ha raacin saaxiibbada kaa carara marka aad u baahan tahay kaalmadooda."
Maxaa aad samayn lahayd haddii aad la socon lahayd Maxamed iyo Nuur maalintaas?