Tahriibayaal doonayay in ay galaan qaarada Yurub ayaa si arxan darro ah loogu dilay meel u dhow xeebaha magaalada Sabratha ee dalka Liibiya, waxaana Tahriibayaashan lagu gubay doontii ay rabeen in ay ku safraan.
Xafiiska Qaramada Miodoobay ku leedahay dalka Liibiya war kasoo baxay ayaa si kulul loogu cambaareeyay tahriibayaasha lagu dilay Liibiya, Qaramada Midoobay ayaa dowladda Liibiya ugu baaqday in baaris degdeg ah ku sameyso dhacdadan.
Qaramada Midoobay ayaa dadka tahriibayaasha ah ee la laayay ku eedeesay in ay ka dambeeyeen kooxaha magafayaasha ah ee dadka tahriibiya ,kuwaa oo la sheegay in ay ku dagaalameen xeebaha magaalada Sabratha.
Dadka tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in lagu dhax gubay doontii ay saarnaayeen, waxaana falkaasi arxanka daran geesatay koox magafayaal ah oo dagaal kala soo horjeeday koox kale oo iyana dadka tahriibisa.
Meydadka dadka tahriibayaasha ah oo gubtay ayaa laga helay xeebta magaalada Sabratha. Qaramada Midoobay ayaana ugu baaqday dowladda Liibiya in falkan baaris degdeg ah ku sameyso loona maxkamadeeyo kuwii ka dambeeyay.
Dalka Liibiya ayaa noqotay meel si arxan daran loogu laayo dadka muhaajiriinta ah ee doonaya in ay galaan qaarada Yurub, waxaana muhaajiriintan inta aysan badda galin soo maraan silac ,iyadoona mararka qaar doomanka ay saaran yihiin badda kula qalibanto.