Iyada oo la bilaabay tirinta maalmaha yar ee ka dhiman bilaabashada koobka adduunka, waxa aynu dib u milicsan doonaa taariikhda gaar ahaan 92 sano ka hor gaar ahaan markii la bilaabay ama la qabtay koobkii ugu horeeyay ee adduunka.
Waa run in Ciyaaraha Olymic-da xagaaga ee wakhtigaas ay horay ugu jireen tartan “kubadda cagta”, laakiin qaybtii ka dhacday Los Angeles sanadkii 1932 ma lahayn kubada cagta sababta oo ah dadka Maraykanku ma danayn jirin kubada cagta.
Taasi waa sababta Jules Rimet, oo madaxweynaha FIFA uu u go’aansaday in uu abaabulo ama aas-aaso koobka adduunka sanadkii 1930-kii.
Maadaama xulka Uruguay haystay horyaalnimada labadii sano ee ugu dambeeyay ee ciyaaraha Olympic-da xagaaga, isla markaas u dabaal-dagaysay sanadkii 1930-kii 10 sano jirkii ka soo wareegtay xoriyadooda Jules Rimet ayaa helay fursad uu ku bilaabi karo tartanka waxana marti galisay dalka Uruguay markii ugu horaysay sida laga soo xigtay mareegta daariikhda ee History.
Uruguay waxa loo caleemo saaray guulaystayaashii ciyaaraha Olympic-da sanadkii 1924 lagu qabtay Paris iyo waliba midii lagu qabtay 1928 iyaga oo ka kala qaaday xulalka Argentine iyo Switzerland.
Koobka Adduunka wakhtigaas wuxuu ahaa kaliya “fikrad” laga sugayay in ay fashilanto ama in lagu guulaysto sidaas darteed ka qayb galkeeda muhiim uma ahayn xulalka reer yurub maadama safarka loo galayo Uruguay ay qaadanayso muddo 3 maalin ah iyo waliba in markab lagu tayayo.
Sidaas darteed, ma jirin wax isreeb-reeb ah oo ay ku kala baxayeen xulalka ka qayb galaya koobka adduunka iyada Jules Rimet ku adkaatay in uu xulalka reer Yurub ku qanciyo ka qayb galka koobka adduunka sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo iyo waliba cabsi laga qabay in ciyaartooyadu waayi karaan shaqooyinkooda ay ku helayaan nolol maalmeedkooda.
Ugu dambeyntii Jules Rimet wuxuu awooday inuu ku qanciyo kaliya 4 oo yurub ah ka qayb galka koobka adduunka kuwaas oo kala ah France, Romania, Yugoslavia iyo Belgium.
Guud ahaan, 13 waddan ayaa ka soo qayb galay – 7 ka socda Koonfurta Ameerika, 4 ka socda Yurub iyo 2 ka socda Waqooyiga Ameerika, waxaana loo magacaabay Jules Rimet Trophy oo lagu sharfay Madaxweynaha FIFA oo u halgamay abuuristiisa.
Sidaas darteed koobkii adduunka ee ugu horeeyay ayaa ahaa midka sidaas u dhacay laguna abuuray iyada oo kooxaha koonfurta America kaga badnaayeen xulalka Yurub.