Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa si adag uga horyimi qaabka xuduuda iyo seejooyinka degmada baargaal loo asteeyay iyagoo qaadacay gebi-ahaanba doorasho ka qabsoonta Gobolka Gardafuu iyo Degmada baargaal
Odayaasha oo warbaahinta kula hadlay Guriga martida Degmada Baargaal ayaa waxay ku eedeeyeen wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdi Faatax Juxa inuu ka hurinayo colaad iyo dagaal iyo dhib degmada baargaal iyo gobolka Gardafuu wixii ka yimaada asaga iyo wixii sidaas kula taliyay ay masuuliyadeeda qaadayaan
Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Baargaal ayaa sheegay inay horay u taageersanaayeen Doorasho Qof iyo cod ah , inay ka qabsoonto Puntland lakin talaabadan ay ku faragalisay wasaarada arimaha gudahu xuduuda iyo seejooyinka degmada baargaal ee horay loo asteeyay ay ku kaliftay inay qaadacaan gebi-ahaand Doorasho ka qabsoonta Gobolka Gardafuu iyo Degmada baargaal
Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Baargaal ayaa ugu baaqay madaxda Dawlada Puntland oo ay ugu horeeyaan Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr siciid C/laahi Deni iyo Madaxwayne ku xigeenka Axmed cismaan Karaash inay soo fara galiyaan arinka intuusan Faraha Ka bixin