Maamul goboleedyada puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis shan qodab ah, kaasoo muhiim u ah iskaashiga iyo xasiloonida gobolka iyo bulshada labada deegaan.
Heshiiskan ayaa lugu gaaray kulan ay yeesheen oday dhaqameedka laama adhi-boob oo katirsab gobolka mudug.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka mudug,mudane Ahmed shire Bukhaari, iyo gudoomiye ku xigeenka dhanka puntland iyo lamaha amniga labada maamul iyo oday dhaqanmeedka.
"Kulanka ayaa diiradda lugu saaray xoojinta xidhiidhka Bulshada Reer guuraaga ah iyo xal uhelid deegaamaynta dhulka xoolo daaqa ah, halkaas oo dagaala badan ku soo noqnoqdeen, kaasoo udhaxeeyay bulshada meesha wada degta," ayaa warsaxafadeed kasoo baxay kulankaas.