Yamen (Baargaal.net) Ilo wareedyo maxalli ah ayaa ku waramay in madaxii golaha ku meel gaadhka ah ee Xadramout "Maxamed Siciid Al-Muxamed" lagu toogtay maanta oo Talaado ah magaalada Mukalla ee xarunta gobolka.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in dabley aan la aqoonsan ay maanta oo Talaado ah rasaas ku fureen al-Mohammadi, xilli uu gaarigiisa ku watay mid ka mid ah waddooyinka Mukalla.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-Maxamed oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray cagta,kadibna loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada.