Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan deegaanka Garacad ee gobalka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni uu tagayo Garacad dhagax-dhiga dhismaha wadada 3G, oo isku xiri doonta Garacad, Gaalkacyo iyo Goldogob.
Garacad ayaa laga hirgeliyay Deked weli ay socdaan dhismaha qeybo kamid ah, taas oo si isku-tashi ah u dhisteen ganacsato Soomaaliyeed.
Dhismaha wadadan ayaa qeyb ka ah mashruuca Garacad Corridor, waxaana qeyb ka ah u qareemideeda Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaddib ballanqaad uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bilo kahor xilli uu xariga ka jarayay dhameystirka wajiga kowaad ee Dekedda.